Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS, Dr. Cali Xaajii Aadam ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qeyb-galay madasha sanadlaha ah ee wasiirada caafimaadka Afrika.
Shirkan oo qayb ka ah shir madaxeedka Afrika, ayaa wasiirka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qeyb-galaya barnaamijkan.
Madashan oo ah mid sanadle ah ayaa waxay u oggolaanaysaa wasiirada caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta caafimaadka qaaradda.
Sanadkan ayaa waxaa xoogga la saaraya adkaynta nidaamka caafimaadka, iyadoo laga faa’iideysanayo ballanqaadyada siyaasadeed. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.
Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah wasiirada caafimaadka Afrika ee ka qeyb-galay madasha iyo madaxda hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horgeynta ajandayaasha horumarinta caafimaadka Soomaaliya goobaha looga arrinsanayo caafimaadka adduunka.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii uu wasiirka caafimaadka Soomaaliya uu Geneva uga qeyb-galay shirka golaha fulinta ee hay’adda caafimaadka adduunka, halkaasi oo uu kulamo doceedyo kala duwan oo diiradda lagu saarayey horumarinta iyo hagaajinta caafimaadka kula qaatay madaxda iyo dalalka kasoo qeyb-galey shirka.