Wasiir ka tirsan DF oo su’aalo laga keenay kursigiisa kadib arrin yaab leh oo uu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la dirireysa mid kamid ah argagixisada ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan adduunka, wasiirkeed gaashaandhiga waa Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Ninkaan dhalinyarada ah oo la sheego inuu waqtigiisa ugu badan ku bixiyo baraha bulshada sida; Facebook iyo TikTok, ayaa waxa uu cambaareyn xun kala kulmay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, xilli meydadkii ciidanka qaranka daadsanaayeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Argagixisada ayaa Sabtidii qabsatay xero ciidan oo ku taallay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, askar badan oo amniga caasimada iyo daafaheeda muhiim u ahaa ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana kamid ahaa Taliye Liibaan Golcad.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya wax war ah, tacsi ama u dhirmin u sameyn askartii lagu laayey gobolka Shabeellaha Hoose ayuu Wasiir Jaamac soo saaray qoraal maldahan iyo qosol uu ku duraayo madaxdii mucaaradka ee ku shirsanaa magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa si weyn uga carreysiisay shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah ehellada askartii ku dhimatay weerarkii shalay. Waxay ku tilmaameen “masuul aan damiirku hageyn, ka macaashaya dhiigga dhalinyarada iyo xubin aan u qalmin inuu kursiga ku fadhiyo.”

Wasiirka wax cudur daar ah kama bixin farriintiisa carrada ku riday shacabka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in uusan haysan wasiir gaashaandhiga oo ku habboon la-dagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Laakiin dadka dura hab fikirka madaxweyne Xassan Sheekh waxay sheegayaan inuu madaxweynuhu danno gaar aha Jaamac ugu hayo wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirkani wuxuu aad iskugu mashquuliya dhaliisha dowladdii hore ee Farmaajo ee isagu xubinta ka ahaa. Laakiin taasi ma caawineyso Soomaaliyada holceysa ee u baahan caqli iyo cudud lagu samata-bixiyo.

Xubno kamid ah dowladda hadda jirta ayaa shaqo maalmeedkoodii kahor mariyay inay baraha bulshada ku weeraraan madaxdii hore ee dalka, lamana hubo inay taasi kamid ah tahay siyaasadaha uu waayahan dambe caashaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadweynaha waxay soo jeedinayaan in kahor wejiga labaad ee dagaalka argagixisada in loo baahan yahay wasiir gaashaandhiga oo leh khibrad, masuuliyad iyo faham uu ku akhrin karo xaaladda dalka, ahmiyaddiisuna tahay dhismaha ciidan tayo leh, xuquuq fiican haysta, niyadooda la ilaaliyo iyo soo afjarida argagixisada.

Nooca wasiirka ay shacabka ku haminayaan inay ku arkaan wasaaradda gaashaandhigga iyo Wasiir Jaamac waa kuwo aad u kala fog.

Qeyla-dhaanta shacabka ka muujinayaan hab dhaqanka Wasiir Jaamac iyo dhaawaca shalay maskax ahaan u gaaray ciidanka dowladda, labaduba waxay kusoo aadayaan iyada oo la hadal hayo in isku shaandheyn lagu sameyn doono xubno kamid ah golaha wasiiradda ee dowladda federaalka ah, marka ay dowladda ku guuleysato meel-marinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka.