25.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Wasiir ka tirsan Puntland oo gef weyn kula kacay Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si weyn ugu gefay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib hadal uu maanta siiyay warbaahinta, isaga oo ka jawaabay eedeyn uu shalay Puntland u jeediyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xamza oo Talaadadii khudbad ka jeediyay Gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socota Muqdisho ayaa weeraray xukuumadda Saciid Deni, wuxuuna ku eedeeyay inay ciqaabtay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi, ayna ka goysay dowladda dhexe.

“Shacabka Puntland waa la ciqaabay, ciqaab adag ayey ku jiraan, haddii Xukuumadda Puntland ay miiska keento wax shacabka reer Puntland ama shacabka Soomaaliyed dan u ah waxaan diyaar u nahy inaan u tanaasulno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Diriri oo si cad ugu gefay Ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna shaki geliyay dhalashiisa.

Sidoo kale wuxuu ku tilmaamay qof marxuum ah, sidoo kalena uu ku jiray dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamza waa marxuum ciqaab ku jira, shaki ayaana igaaga jira inuu u dhashay reerka uu sheeganaayo, dadkii Xamar lagaga qaxay 1991-kii ayuu jiray” ayuu wasiir Caydiid.

Hadalkan ayaa durbo dhaliyay fal-celin xooggan, waxaana ka carooday dad badan oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeedo Puntland oo sheegay in wasiirku aanu metalin hadalkaasi, ayna u arkaan gef cad oo uu u gaystay Ra’iisul wasaaraha qaranka.

Marka laga soo tego khilaafka guud e u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntand, ayaa waxaa haddana si gaar ah isku hayo Xamza iyo Deni oo siyaasad ahaan kala fog, wuxuuna dagaalkooda soo bilowday markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dagaalka ayaa sidoo kale sii xoogeystay, kadib booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha ku tegay gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ka careysiisay Puntland iyo qudheeda Somaliland, maadaama aqoonsi heer federaal ah la siiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Read more

Local News