Wasiir ka tirsan Puntland oo goordhow is casilay & Sababta Is casilaadiisa oo..

Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Magaalada Garoowe isku casilay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana).

Wasiir Dujaana, ayaa isku casilay arrimo shaqsi ah iyo culeys dhanka beeshiisa, sida uu haddalka u dhigay.

Dujaana oo ka hadlaayay Is casilaadiisa ayaa yiri ”Beeshaydu cabasho ayey ka muujisay wax qeybsiga xildhibaanada labada aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Garoowe”

Dujaana, ayaa sidoo kale sheegay in Hogaamiyaha maamulka Puntland uu wax ka qaban waayay cabashada beeshiisa, hayeeshee uu sidaa isaga casilay booskiisa.

Sidoo kale, Dujaana ayaa sheegay in uu ka sii shaqeyn doono horumarka Puntland isla markaana shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo midnimadooda.

Dhinaca kale, is casilaada Dujaana ayaa kusoo beegmeysa xili bilihii lasoo dhaafay ay is casilayeen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com