Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan ay isku gadaameen hooyga Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Ciidmada isku gadaamay hooyga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay inay ku jireen kuwo uu wajiga u xirnaa.
Juneyd Cigalle oo ah Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga Galmudug, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo aad u badan ay isku gadaameen hooyga Guddoomiye ku-xigeenka.
Wasiiru Dowlaha waxa uu intaa ku daray in Guddoomiye ku-xigeenka uusan usoo bixi karin banaanka sare ee hoygiisa.
Sidoo kale, waxa uu Wasiiru Dowlaha sheegay in ammaanka Xildhibaanada Galmudug uu qatar ku jiro, isla markaana ciidamada AMISOM ka dalbaday inay sugaan amniga Xildhibaanada.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay kalsooni kala laabashada Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

