25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Madaxtooyada Galmudug oo ka Jawaabtay xil ka qaadista lagu sameeyay Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-War ka soo baxay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa lagu qaadacay go’aankii xildhibaannada ee kalsooni kala noqoshada madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Madaxtooyada maamulka ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay Xildhibaanada maamulka uu yahay mid lala baalmaray sharciga.

Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in go’aanka Xildhibaanada uu yahay mid aan laga fiirsan isla markaana aan aheyn shar.

”Maamulku waxa uu leeyahay sharciyo iyo nidaamyo ay dhigteen dadka Galmudug, wixii intaa baalmarsan waa sharci darro”

”Waxa maanta ka dhacay xarunta lagu magacaabo Badbaado, waxaan u aragnaa fowdo iyo sharci darro, mana aqoonsanin go’aankaa isaga ah”

Xildhibaannada maanta codka kalsoonida kala laabtay madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan, iyo in uu ka soo bixi waayay howlihii loo idmaday.

Go’aanka kasoo baxay Madaxtooyada maamulka ayaa imaanaya xili maanta 54 Xildhibaan ay ku dhawaaqen in Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed ay xilka ka qaaden.

Caasimada Online
Xafiiska Caadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News