Wasiir ka tirsan xukuumada MUUSE BIIXI oo lagu soo eedeyay musuq-maasuq

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Biixi wuxuu ku eedeyay musuq-maasuq baahsan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu wasiirka Caafimaadka Somaliland uu dhisanayo labo fooq, kuwaasi oo uu la xiriiriyay in uu ku dhisanayo xatooyada xoolaha shacabka Somaliland.

Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeedinayey xarunta golaha guurtida Somaliland, oo xildhibaanadu kaga doodayeen xaalada adeegyada Caafimaad ee Somaliland, ayaa arrintaasi kaga hadlay, wuxuuna yiri

“Wasiirkii caafimaadka ayaa laba Fooq oo dhaadheer dhisanaya, oo aan la odhanayn halkeed ka keentay Lacagtaa? innagu waxaynu nahay Guurti, waxaynu aragno ayaynu tilmaamaynaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Madaxweynaha waxaanu leenahay Madaxweyne goobtaa wax ka qabo, waxaanad tidhaahdaa dhakhaatiirta waxa Mushaharka laga siinayaa cashuurta dadka laga soo qaado ee qof buka oo Lacag laga qaadayaa ma jirto oo Bilaash Dadka ku siiya, waynu karaynaaye Daawadaa la iibsanayo ee aqallada laga dhisanayo Dadka hala siiyo”.

Sidoo kale waxa jira xildhibaan kale oo iyaguna ka deyriyay adeegyada caafimaad ee xarumaha dowlada, midaasi oo gacanta ku hayo wasiirka caafimaadka Somaliland.

Xildhibaanadaasi ayaa waxay dhamaantood isku raaceen inay wasaaradaasi shaqadeedii ka gaabisay, isla markaana aan Isbitaalka guud ee magaalada hargeysa oo kamid ah xarumaha caafimaad ee dowlada, aaan lagu tilmaami karin xarumo caafimaad oo dowladeed.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com