Geelle oo war cusub ka soo saaray wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta ka hadlay wada-hadala Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddo badan hakad ku jira.

Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramayey VOA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadaladaasi, isagoona sheegay inuu filayo inay dhawaan dib u bilaaban doonaan.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wada-hadaladaasi uu qeyb ka noqon doono Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, isla markaana ay dib u amba qaadi doonaan wada-hadalada labada dhinac.

Geelle ayaa waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga dalalka gobolka, isagoona hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay iskaashigaasi, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Anaga xagayaga rajadu way badan tahay waxaana dhex jooga  Raysal wasaaraha Itoobiya”.

“Wada-hadaladaana dhawaan inan dib u ambo qaadno, laakiin imika wax iska hor imaad ah cabasho aan leenahay ama aan doonayno inaanu muujinaa majirto. Wada-hadalkana waan ku rajo weynahay dharaar aan dheerayn inaan soo saarno dhankii toosnaa inaan u dhaqaaqno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii dee anaga lanaga maarmayo waxba kama qabno laakiin iskaashiga ama is dhexgalka ama wax wada qabsiga waxa asaas u ah dhaqaalaha, waxaan dee anagu ku horraynaa dhaqaalahaasi anaga oo garanayna inaan dadka isku socodkooda uu gadhwadeen u yahay dhaqaalaha”.

“Dhaqaalaha inaan ka bilawno horumarin badan ayaanu ku samaynay waanaga tareen samaynay waanaga maarsooyinkii ballaadhinay waanaga igaad dib u xarakaynay taas badda aad sheegayso mid wayn oo uu markaynku wado ayaa jirta iyo sucuudiga iyo waddamada khaliijka, kaana waan ku dhex jirnaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com