DHAGEYSO: WASIIR lagu weeraray gurigiisa iyo dagaal xooggan oo dhacay iyo xog sheegeysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay gurigiisa ku weerareen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulka Galmudug.

Cabdi Ladhiif Cabdulaahi Warsame , wasiirka warshadaha & Ganacsiga maamulka Galmudug ayaa weerarka la kulmay xili tagay magaalada Caabudwaaq, waxaana uu wasiirka sheegay inuu booqasho qoyskiisa ah u tagay magaalada.

Wasiirka oo lahadlay Idaacada Risaala oo kamid ah Idaacada Muqdisho ayaa sheegay in wiil yar oo uu dhalay waxyeelo ay kasoo gaartay rasaasta ay isweydaarsadeen ilaaladiisa iyo ciidamada Ahlu sunna.

Hoos ka dhageyso

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com