Jawaari oo ku fadeexoobay warqado uu u diray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo xubno ku dhow dhow Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu ku fadeexooway qoraalo uu u gudbiyay Xafiisyada wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Gudoomiyaha ayaa qoraaladaasi ku cadeeyay in Gudoonka sare ee BF ay xal ka gaaren Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Xassan ee qorshihiisu uu ahaa in Xilka looga qaado Madaxweynaha dalka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale qoraalkaasi ku cadeeyay in Gudoonka uu qanciyay dhamaan Xildhibaanadii buuqa waday, balse waxaa taasi diidmo ka muujiyay Wakiilada qaar oo iyagu sheeda kala socday talaabooyinka ay qaadayaan Xildhibaanada Mooshinka wada.

Wakiilada oo siyaabo kala duwan qoraalkaasi kadib u xog wareystay Xildhibaano ka tirsan kuwa Mooshinka wada ayaa waxa ay Jawaari ku wargaliyeen inuu la imaado cadeymo muujineysa in Xildhibaanada ay ka laabteen Mooshinkooda.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho, ayaa iyagu garwaaqsan in Jawaari uu si cad ula safan yahay Madaxweyne Xassan Sheekh waana tan keentay in Jawaari lagu xiro la imaanshiyaha Cadeymo iyo saxiixyo cadeyn u ah in Mowqifka Xildhibaanada uu isbedelay.

Xildhibaano ka tirsan garabka Mooshinka wada ayaa dhankooda Wakiilada u cadeeyay in Jawaari uu si cad ula safan yahay Madaxweynaha islamarkaana uu doorbidaayo inuu ka beensheego Xildhibaanada si uu u raali galiyo Xassan Sheekh.

Dhanka kale, qoraalka Jawaari uu u gudbiyay Wakiilada ayaa imaanaya xili maalmo ka hor uu soo saaray warqado uu ku muujiyay xal u raadinta Mooshinka lidiga ku ah Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com