Axmed Madoobe oo soo saaray amar cusub oo qalqal galiyay dadka ku nool deegaanada Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo saaray amar adag oo lagu cadaadinaayo Shacabka ku hoos nool Maamulkiisa, gaar ahaan kuwa Kismaayo.

Amarka kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha ayaa ah in Ciidamada Amaanka ay toogtaan ciidii ay uga shakiyaan carqaladeynta amaanka.

Amarkaani ayaa waxa uu ku socdaa Saraakiisha iyo Ciidamada, waxa uuna amarkaasi ku ekaan doona ilaa hal maalin kadib maalinta Caleema saarkiisa.

Waxa uu Saraakiisha iyo Ciidamada ku amray in shaqsigii ay uga shakiyaan amaanka aysan wakhti isaga lumin oo bartiisa ay ku toogtan wixii Mas’uuliyad ahna uu isaga dusha saaran doono.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmaha soo socda ka dhici doono munaasabad caleema saar ah, iyadoona ay ka qeybgali doonaan Wasiiro ka kala socda Kenya, Ethiopia iyo DF Somalia, Xildhibaano, Diplumaasiyiin iyo wufuud kale oo heer caalami ah.

Geesta kale, amarka uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa sababi kara in Ciidamada Maamulka ay dadka shacabka ah uga faa’iideystaan amarka Axmed Madoobe sidaana ay ku fuliyaan dilal aano iyo iwm.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com