SAWIR gacmeed xikmad badan oo lagu muujiyay musuq maasuqa Dam-Jadiid ee ciidanka qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxaniiste Amin Caamir ayaa sawir xikmadeysan ka sameeyay dhibaatada Ciidamada DF ay kala kulmaan Mas’uuliyiinta DF oo iyagu xalaaleystay mushaarka Ciidamada.

Sawirka ayaa waxaa lagu cabiray Ciidamada DF oo dhiigooda u daadinaayo helida amni iyo Nabadgalyo, halka Xisbiga dalka ka arimiya ee Damjadiidna ay dhaqaalaha dalka ku gurteen jeebkooda.

Xikmada Sawirka ayaa ah in Damjadiid ay baahi ku dileen Ciidamada Dowlada iyaga oo xal u arka inay musuqaan Mushaaraadkooda.

Sawirka ayaa ka turjumaayo Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo uu dhiigooda daadanaayo iyo Taliyaha Nabadsugida C/raxmaan Tuuryare oo daadgureysanaayo mushaaraadka Ciidamada.
CIIDAMADA