MOOSHIN ka dhan ah Muungaab oo la gudbiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay xubno ka tirsan Xildhibaanada BF Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Gudoonka sare u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Xasan Maxamed Muungaab.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Mungaab ayaa waxaa kamid ahaa Cabdiraxman Suge Maxamed, waxa uuna sheegay in Mooshinkaasi ay u gudbiyeen Gudoonka BF.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Mooshinkaasi ay ku saxiixeen ilaa 10 Xildhibaan, waxa uuna tilmaamay in Mooshinkooda uu yahay mid la xiriira dhulal la boobay iyo kuwo muran uu ka taagan yahay.

Sidoo kale, Cabdiraxman Suge waxa uu sheegay in ilaa Seddex jeer isku dayeen in ay la kulmaan Mr. Muungaab balse aanay suuro-galin kadibna ay Mooshin isku keeneen sida uu qabo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka

Waxa uu tilmaamay in Maamulka uu ka talaabaayo nidaamka dowliga, si sharci loo helo loo baahan yahay in Mungaab uu horyimaado BF.

Waxa uu Cabdiraxman Suge ka digay in dhulalka la kala iibsanaayo aanay shacabka ku degdegin iyo in loo baahanyahay in wax laga ogaado Hantida guud iyo Hantiga gaar ah.

Dhanka kale, Mooshinkaani ayaa waxa uu barbar socdaa ilaa 2 Mooshin oo iminka ku jira gacanta Gudoonka BF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com