Video + Sawirro: Odowaa oo ay talo ku xuntahay iyo arrin si lama filaan ah ugu soo baxday (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Muddulood ayaa ka soo horjeestay warqadii ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo lagu magacaabay xubnaha Guddiga farsamada maamul u sameyntaGobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dadka bannaan baxayay ayaa gubay sawirada Wasiir Odowaa, iyo iyagoo markaa ku dhawaaqayay hal kudhigyo ka dhan ah wasiirka iyo dowladda Federaalka ah.

Isla Maanta ayaa waxaa iyana dhacay kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen illaa afar boqol xubnood oo ahaa waxgarad, culumaa’udiin, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa waxay ku qaadaceen habkii wax loo qeybiyay Guddiga farsamada, kuna tilmaamay mid aan la aqbaleyn.

Muxiyadiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka beesha Muddullood ayaa sheegay in wax lala yaabo ay aheyd qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax u qeybisay, taasoo uu xusay in aanay jirin cid lagala tashay, isla markaana dadka deegaanka aan wax talo ah laga siin

“Anaga qaabka wax loo qeybiyay oo ah hal qof oo beesha degta Shabeellaha Dhexe ah ee aqlabiyada degta ay tahay Abgaal, waa qaadacnay, waana diiday, saasna cid wax kuma darsaneyno, waxaa la soconaa goboladii la soo dhisay iyo nidaamka la maray iyo sida wax loo qeybsaday, qofba waxay mudneyd la siiyo, laakiin raadkii in la qaado aheyd, ma naqaano sababta loo diiday oo loo hareer maray”ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.

Waxaa uu sheegay in sida wax loo qeybiyay aysan ku waafaqsaneyn, isla markaana aanay aheyn wax ay istaahilaan, waxaana uu tibaaxay in warqada wasaaradda arrimaha Gudaha ka soo baxday ay ku diidan yihiin cod buuxa sida uu yiri

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay raalli gelin ka bixiso qaladkii ay sameysay, waxaana uu xusay in dadka deegaanka wax aysan ogeyn ay soo saartay, isla markaana aanay ka tala gelin sida uu yiri.

“Warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa warqad dadka la isku dirayo, colaad mar hore laga soo daalay, arrinta go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha raali gelin haka bixiso”ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Nuur Cali.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in warqada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay jirin cid uu kala tashaday, isagoo ka dalbaday Wasiirka inuu cadeeyay qaabka uu ku saleeyay.

“Warqada Wasiirka ka soo baxday waa warqad intuu qol isku xiray ayuu wuxuu rabay iska soo qoray, warqadaas aanay Xildhibaanada, dadka deegaanka iyo Guddoomiyihii Gobolka waxba kala socon, Wasiirka wuxuu warqada ku qoray inuu la tashaday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo saxiixayaasha, waxayna inoo sheegeen inaan lagala tashan, waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka codsaneynaa inay noo cadeeyaan hadii ay wax ka og yihiin”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Ducaale.

Xildhibaanka ayaa tusaale u soo qaatay nidaamkii lagu Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed, isagoo xusay in xildhibaanadii la xulay ay hal beel qaadatay 17 xubnood, taasna lagu saleeyay sida deegaanada loo kala badan yahay, balse waxaa uu layaab ku tilmaamay in tan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe hab aan aheyn midka saxda ahaa lagu saleeyay.

“Warqadii wasiirka 14 xubnood ayuu labo gobol ku saleeyay, tusaale ahaan labada maamul ee la soo dhisay Koofur Galbeed iyo Galmudug dadka see u kala badnaa ayaa loo siiyay, beel ka mid ah ayaa qaadatay ergada 17, inta kale 12 qaateen, waxbaa lagu saleeyay, waliba deegaan ahaa, aaway maxaa lagu saleeyay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Wasiirka ha inoo cadeeyo”

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in sharaxaad ka rabaan in Wasiirka ka bixiyo 14-kii xubnood ee guddiga farsamo labada gobol, isagoo xusay in afar xubnood laga siiyay Shabeellaha Dhexe, halka 10 kalena Hiiraan la siiyay, taasoo iyana uu ku tilmaamay cadaalad daro kale sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya qeyla-dhaanta ka soo yeereysa beelaha dega labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana si cad waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada uga soo horjeesteen qaabkii loo xulay Guddiga farsamada maamul u sameynta labada Gobol.

HALKAN KA DAAWO VIDEOGII BANNAAN BAXA BELEDWEYNE

mudul mudul1 mudul2 mudul5 mudul3