Fashilka Muungaab waa fashilka Xasan Sheekh.!

Waxaan shaki ku jirin in hillaalka ama aragtida siyaasadeed ee fog ee madaxweeyne Xassan in aayan ku jirin in maamul xalaal ah loo sameeyo G.Banaadir balse waxaa uu ka doorbiday in uu u soo magacaabo qof aanan nidaamka dowladnimo waxba ka aqoon laheeyne aragti fog oo lagu badbaadiyo shacabka G.Banaadir,ujeedka ugu fog ee Madaxweeyne Xassan marwalba uu u bedelaayo Duqa iyo Gudoomiyaha G.Banaadir waxeey la xariirtaa daqliga G.Banaadir oo aay inta ugu badan qaataan dowlada federaalka 85% halka G.Banaadir uu qaato 15%. The Moral and Social Vision.

Madaxweeyne Xassan haddii uu daacad yahay markii uu xilka qabtay waxaa mudneeyd in uu G.Banaadir u sameeyo maamul xalaal ah karti leh garankara nidaamka dowladnimo iyo sida caasimada dalka u lahaan laheeyd hogaan shacabka soo doortay oo xalaal ah,Xassan waxaa uu siyaasadiisa ku wajahay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Galmudug,xaqiiqdii Madaxweeyne Xassan inta uu u qabtay G.Hiiraan uma uusan qaban G.Banaadir,waxaan sii ifinayaa in Madaxweeyne Xassan uu ku fashilmi dooono midnimada G.Hiiraan & Sh/dhexe maamulka loo sameeyn doono,waxaan aragnaa ifafaalo foolxun iyo gadood qabiilada degan Sh/dhexe doonista cadaalada macnaheeda waa qancinta inta wada degta gobolka, hadaba waxaan aragnaa in sadbuursi uu socdo balse laguma guuleeysan doono waana fashilka ugu weeyn ee Madaxweeyne Xassan Sheekh.

Taariikhdu ma duugawdo, hadii dadka qaarkiis is diidsiiyo ama dafiro iyada ayaa dib isu qorta oo u soo noqota, haddii aad fiiriso waxa aan soo marnay xornimadii ka hor iyo ka diba waxaa quman in aan taariikhda ku waano qaadano si eey noo saxdo oo aan u noqono umada soo celisa taariikhdeeda,

Dalkaani taariikhdii uu mudulood ka soo qaatay waxaa tirtiray kuwa maanta isku sheegaya in eey yihiin hogaan mudulood,waagii hore umada waa eey is-haaysatay oo waxaa jiray heshiis bulshadeed (social contract) aragtiyada hishiiska bulshada waxaa fikirkeeda hormuud u ahaa odday dhaqameedka iyo culumada iyo aqoon yahaynka u dhalatay bulshadaa meesha kuwada nool,. Hadaan nahay shacabka waxaan hogaankaa iyo maamulkiisa ka rabnaa nabad, cadaalad, sinaan inaan la isku gardaroon marka uu hogaanka xumaadana aan u noqono Ilaah iyo sunada nabigeena maxmed (SCW) si aan isku saxno,waxaa eey bulshada aaminsaneeyd xiligaa in leeys faro xaqa xumahana leeyskaga digo.

Waxaa xaqiiq ah in Muddulood uusan xiligaan laheeyn Imaam iyo Ugaas sabbata oo ah Imaam Maxud waxuu dhintay 2010 bishi Maj weli reer Imaam lagama hayo cid aay keeneen oo lagu tufay sida oo kale Ugaas Cabdulle waxuu dhintay 1989 wax bedelayne ma jiro balse weli labadaa xil ragbaa ku lafa ruuga umadana ku qalday in aay yihiin hogaanka dhaqanka Muddulood.

Hambalyo Duqa & Gudoomiyaha G.Banaadir waxaan leeyahay ha noqon nin lagu adeegto balse noqo nin umada u adeego oo doona cadaalada,G.Banaadir waxuu kaaga fadhiyaa in aad ka saarto in loo soo magacaabo nin danbe balse hilaalkaaga ha nqodo in G.Banaadir yeesho gole degaan oo xalaal ah oo shacabka soo doorto iyo in G.Banaadir aad xaqiijiso maqaamka aay yeelan doonta aayaha .

W/Q : Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com