XOG: Odowaa oo u saxiixay ururka Aala Sheekh maamul u sameynta Sh/Dh iyo Hiiraan + Caddeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu muran xoog leh ka taagan yahay maamul u sameynta Gobolada Sh. Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa Caasimada Online aay heshay caddeyn ujeedka Wasiir Odowaa oo in dhaweydba xiriir hoose la lahaa Koox Diimeedka Alla Sheekh.

Wasiir Odowaa oo saaxib dhow aay yihiin ragga ugu cad cad kooxda Alla Sheekh (Cabdiraxmad Caytne & Abshir Bukhaari) ayaa ugu danbeyntii faraha u geliyay hab maamuuska maamul u sameynta Sh. Dhexe Hay’adda Heritage Institute oo uu leeyahay Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte.

Hay’addan ayaa loo furay in kooxda Alla Sheekh aay dowr weyn ku lahaato siyaasadda Soomaaliya. Waxaa arrinka aad uga shaqeeyay kuna qanciyay wasiir Odowaa saaxiibkii oo aay qaraabo yihiin kana mid ah kaadiriinta Alla Sheekh oo soo ahaa agaasimihii Madaxtooyada ugu danbeeyay xukuumaddii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Abshir Bukhaari.

Ujeedka laga leeyahay arrintan ayaa ah labo.

  1. (1) In Kooxda Alla Sheekh aay hubsadaan in aay hantaan shaqsiga madaxweynaha ka noqonaayo Sh. Dhexe iyo Hiiraan.
  2. (2) In Dhammaan dhaqaalaha lagu bixinaayo maamul u sameynta aay iyagu maamulaan.

odowaa

Halka ka akhriso

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/Odowaa.pdf”]