Daawo Sawirrada: Muungaab oo isaga oo carro ay ka muuqatay oo xilkii gobolka iska wareejiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad xil wareejin ah ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo ay xilka ku kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab iyo Gudoomiyaha cusub Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Xubno kale oo ka kala tirsanaa Madaxtooyada iyo Wasaaradaha kale.

Muungaab oo xilka looga qaaday arrimo la xiriira Musuq-maasuq, ayaa goobta ka sheegay howlihii yaraa ee farakutiriska uu qabtay inta uu xilka hayay, waxaana wajigiisa laga dheehan karay murugo muujineysay inuusan raali ka aheyn xilka laga qaaday.

Sidoo kale, waxaa goobta khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka oo sheegay inuu ku Faraxsan yahay xil wareejinta,waxaana uu u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Xasan Maxamed Xuseen.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir looga fadhiyo inuu la yimaado waxqabad muuqda.

1 (2)

2 (2)

3

4

5

6

7