Wasiir ROOBOW oo xog ka bixiyay qaabka loo dhisayo Golaha Sare ee Culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay ku degdegi doonin dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in golaha culimada ee la dhisayo aanay xiligaan u baahneyn degdeg, balse marka hore ay sharci u sameynayaan, kadibna la horgeyn doono Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxa uu xusay in marka sharciga loo sameeyo hay’adda lasoo marsiin doono labada Aqal ee baarlamaanka, sidaasina lagu dhisi doono Golaha Sare ee culimada.

“Golaha waa la sameynaya, idinku ayuu ka imanaaya go’aamadiisa wax badan, xeer la sameeyay oo gaba-gabo ah oo la dhameystiro horta majiro ee ogaada. Xeerka waxkale ma ahan ee waa Golaha Culimo ee shaqeynaya qaabkee ayuu u dhismayaa, go’aamada muxuu ku qaadanaya, imisu noqonaya, ma iska joogayaan culimada loo dhiibo mise waa war-wareegi doonaan sida dowladda,” ayuu yiri.

“Idinka ayaa dhameystiri doono ee maanta iyo berri ma ahan waqti ayuu u baahan yahay. Si qanuuni u noqdaan Golaha Culimo ee la dhisayo oo qanuun ahaan ayaa loo hubinaya.”

Roobow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda culimada ay u baahan tahay miisaaniyad, taasina aan la heli karin haddii aan laga dhigin hay’ad sharci ah oo nidaamka la waafajiyay.

Arrintan ayaa wax cusub ku noqotay inta badan culimada kasoo qeyb-gashay shirka, maadama ay filayeen in geba-gabada shirweynaha lagu dhawaaqi doono hay’adda culimada.

Culimada ayaa shalay qoraal dheer oo ay kasoo saareen shirweynihii maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho waxay dowladda federaalka uga dalbadeen inay si degdeg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliyeed.

Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqonayo “weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-banaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado.

“Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay culimada.