Sawirro: Xasan Sheekh oo xog cusub siiyey waalidiinta ciidanka ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku soo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, markii ay soo dhameystaan tababarooda, si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, isla markaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii.

Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo walwalkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

Kumanaan ka mid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaas oo caawa uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo.

Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin hadii uu jiro tababar weli u dhiman ama u socda qeybo ka mid ah ciidamadii afar sano ka hor tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ciidankaan tababarka u diray ayaa maalintii uu xukunka wareejinayey wuxuu sheegay in sanadkii 2020-kii uu tababarkooda u dhamaaday ciidanka Soomaaliyeed eek u maqan dalka Eritrea.

Hayeeshee Farmaajo maalintaas ma sheegin sababta rasmiga ah ee ciidanka loogu soo celi waayey dalkooda markii ay dhameysteen tababarka, si lamid ah, Madaxweyne Xasan Sheekh weli ma cadeyn sababta kaliftay in afar sano ay ciidankaan ku maqnaadaan Eritrea.

Waxaa xusid mudan, in Farmaajo iyo Xasan Sheekh ay marar kala duwan sheegeen in sababo la xariira siyaasadda dalka oo kacsaneyd ay sabab u tahay in ciidankaas lagu soo celi waayo dalka, balse waxaa jira tuhun ay qabaan dadka qaar, kaas oo ah in caqabado kale ay ku hor gudban yihiin soo celinta ciidankaas.