Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu Saciid Cabdullaahi Deni ka rabay madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud balse uu ka heli waayay kadibna keentay inuu xiriirka dowladda dhexe hoos iskaga dhigo.

Sida uu Saciid Deni wax u rabay waxaa lagu tilmaamay qaab lagu inkirayay awood qeybsiga Ra’iisul Wasaare Xamza.

Soomaaliya siyaasad ahaan waxay weli wax ku qeybsataa nidaamka 4.5, markii halkaas la taagan yahay Xamza ayaa saami qeybsiga Soomaaliya masuul kaga ah Deni. Laakiin sida uu Saciid Deni rabay in wax walba isaga iyo Xasan Sheekh uga heshiiyaan ayaa dad badan u muujisay in awooda Ra’iisul Wasaaraha la dafirayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu shalay muujiyay in isagu xisaab beeleedkiisa masuul ka yahay, cidda xisaabtaas wax ku raadineysana ay qasab tahay inay isaga la-macaamisho.

Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Jeneraal Sulub Axmed loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya. Ninkan waa reer Jubbaland, wuxuu hadda ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Jeneraal Sulub marka aad magaciisa maqasho waxaa kugu soo dhacaya Axmed Madoobe, Xamza iyo inta badan siyaasiyiinta reer Jubbaland oo uu gogal u ahaa marka ay Muqdisho tagaan.

Sulub ayaa kamid ah saraakiisha aad loo xurmeeyo ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Waa saaxiibka gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha.

Magacaabistiisu waxay muujisay awooda Ra’iisul Wasaare Xamza ee hab qeybsiga xilalka muhiimka ah.

Sarkaalkan dhex-dhexaadka ah ayaa beddalaya Cabdi Xasan Xijaar oo lagu eedeeyo inuu si aan habooneyn u maareeyay xaalka caasimada Muqdisho, xiligii lagu jiray doorashadii guud.

Xijaar iyo ciidankii uu xukumayay ayaa dhowr jeer oo kala duwan lagu eedeeyay inay isku dayeen dib u dhigis doorasho iyo weerar loo geystay dibad-baxayaal dalbanayay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Sidaas oo ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xijaar siiyay illaa siddeed billood oo dheeri ah, dadku waxay sugayaan inuu Xasan Sheekh degdeg u eryi doono Xijaar, laakiin taasi ma dhicin oo illaa 26 Janaayo 2023 ayuu soo gaaray taliskiisu.

Maanta Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya iyo Taliyihii Booliska Soomaaliya-ba waa reer Jubbaland, waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh doortay shirko cusub.

Reer Jubbaland xilalkan waaweyn mar waa u magac marna xujo ayay ku tahay oo waxaa la eegaya sida ay ubadallaan dhaqan siyaasadeedkii hore iyo guul-darooyinkii dowladeed ee Soomaaliya.

Magacaabistan waxay dadka qaar soo xasuusineysa Puntland, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex xil oo reer Puntland si weyn ugu dagaalameen laba kamid ah waxaa qaatay reer Jubbaland waana Ra’iisul Wasaare-nimada iyo Taliyaha Booliska.

Booska dhiman waa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo isagana aan la ogeyn halka uu aadi doono.

Magacaabista taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa dadka qaarkiis qabaan inay sii fogeyn karto diidmada Puntland ee la shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza, Taliye Sulub iyo xubnaha uu doortay madaxweyne Xasan Sheekh inay saami-qeybsigaas metelaan waxaa hortaalla inay si fiican u iibiyaan, udifaacan, una hirgeliyaan siyaasadda madaxweynaha.