Wasiir Sabriye oo xog cusub ka bixiyey shirkiii JABUUTI iyo qorshaha soo socda

Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudahah ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriyey oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey shirarkii ugu dambeeyey guddiyada farsamo ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay Jabuuti.

Wasiirka ayaa sheegay in kulamadaasi ay u dhaceen sidii loogu talagalay, islamarkaana laga gaaray guullo horu dhac ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu ballamay in labada dhinac ay isku soo dhawaadaan, kana wada- hadlaan sidii loo dhammeystiri lahaa kulamada soo socda waxyaabaha miiska saaran.

Sabriye ayaa intaasi ku daray inay ka go’ an tahay dowladda federaalka ka gun-gaarista wada-hadallada haatan dib uga bilowday dalka Jabuuti.

Shirka ujeedadiisu waa in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac, waa howl adag, waana dadaalnay oo waxaa naga go’an ka gungaarista waxyaaaha miiska saaran ee guulaha horudhaca ah laga gaaray.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo guddiyada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ay ku sheegeen war-murtiyeedkii ay soo saareen in 15 cisho, kadib dib loogu laaban doono gudaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti, si loo sii wado wada-hadaladaasi oo dib u bilowday todobaadkan.