“Saamigii haweenka ayaa damac ka galay DFS”

Muqdisho (Caasimada Online) – Sahro Max’ed Cali oo ah Wasiiradda Haweenka Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay in xiligaani ay cabsi ka qabto in DF uu damac ka galo Saamiga Siyaasadda ay Haweenka ku leeyihiin dalka.

Wasiirada ayaa sheegtay in adduunka oo idil laga qiimeeyo haweenka balse Somalia ay ka jirto faquuq lagu sameynaayo Haweenka Soomaaliyeed, waxa ayna tilmaantay in Saamiga Siyaasadda ay Haweenka ku leeyihiin DF ee ah 30% uu yahay lama taabtaan.

Waxa ay sheegtay inay suuragal tahay in isbedel waliba oo lagu sameeyo Xukuumada amaba ay imaado Dowlad cusub ay Haweenka Soomaaliyeed ku weeyan Saamigii ay ku lahaayen DF sababo la xiriira isbedelka.

Wasiiradda Haweenka Sahro Max’ed Cali waxa ay sidoo kale sheegtay in Haweenka ay isku raacsan yihiin 30% Saamiga ay ku leeyihiin Siyaasadda ay tahay mid ay ku qanacsan yihiin balse aysan mudneyn in laga kala yareeyo inta ay hadda heystaan.

Dhanka kale, Sahro waxa ay farta ku goday in Haweenka Gobolada Somalia oo dhan ay ka mideysan yihiin go’aanka ah in ay helaan Saamiga ay ku leeyihiin Siyaasadda Dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com