Xog: Puntland oo digniin culus u jeedisay DFS

Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa soo saaray digniin kale oo ay u jeedinayaan madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya

Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa waxay soo saareen digniin ah in doorashada dalka ee sanadka soo socda lagu saleeyo nidaamka 4.5 oo ay yeesheen in lagu kala qeybinayo shacabka Soomaaliyeed lagana tagayo beelo Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sheegay iney soo jeedinayaan in la raaco aragtidii laga soo ururiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland iyo Jubbaland oo ku aadaneyd in lagu saleeyo doorashada 2016 qaab deegaanka.

Xildhibaan C/xakiin Dhooba-daareed oo saxaafada la hadlay ayaa u digay maamulka Puntland gaar ahaan hogaanka maamulkaasi oo aheyd ineysan marnaba ka laaban  go’aanka ay kasoo ururiyeen shacabka Puntland oo aan laga dhaadhicin qaadashada nidaamka 4.5.

Sidoo kale xildhibaanada waxay dhaliileen madasha wadatashiga qaran oo ay sheegeen ineysan waddin qorshe ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com