Dagaal ka dhex qarxay beelaha Habar-Gidir iyo…

Marko (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Marko ayaa sheegaya in xiisad dagaal ka taagan tahay magaalada Marko una dhaxeyso maleeshiyaad kala taabacsan Habar-gedir iyo Biyo-maal sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Dagaalka maanta ayaa ka dambeeyay markii qarax uu ka dhacay magaalada Marko kaasi oo lala eegtay ciidamada AMISOM, kadibna weerar lagu qaaday ilaalada gudoomiyaha degmada Marko ee uu dhawaan maamulka koofur galbeed u magacaaba degmadaasi.

Dagaalka ayaa bilowday abaaro shantii saac ee maanta, waxaana uu soo gaaray ilaa casirka iyada oo ay adag tahay in la ogaado qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ma jiro cid kala dhex gashay ciidamada ku dagaalamaya magaalada Marko waxaana wali lagu soo waramayaa in mararka qaar la maqlayo dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamay.

Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaanan wali ka hadlin dagaalka muddada saacadaha badan qaatay ee ka dhacaya magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com