Xildhibanaada BF oo ka horyimid iibinta xarunta Ex-baarlamaan ee uu Boorsaani lacagta ku helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si adag kaga hor yimaadeen qorshihii shalay uu sameeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani.

Xildhibaanada oo ka doodayay ansixinta hishiisyada Iibka qaranka ayaa si adag kaga hadlay ajande aan shirka oolin oo ahaa talaabadii shalay dhismaha Ex Baarlamaanka loogu wareejiyay milkiilaha Universal oo uu sameeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo kamid ah gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa talaabadaasi ku sheegay inuu ahaa mid aysan la socon xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayna kasoo horjeedaan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in gudoomiyihii hore uu sameyn jiray iibinta hantiada qaranka Soomaaliya leeyahay iyaga oo aan lala socod siinin, laakiin gudoomiyaha cusub uu wareejiyay xaruntii xildhibaanada ku shir lahaayeen.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ku dacwooday in horey uu u jiray hishiis Imaaraatka carabta ku dhisi lahaayeen dhismahii hore ee baarlamaanka oo hadda burbursan.

Xildhibaanada waxay si cad u sheegeen ineysan marnaba arintaasi aqbali doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com