XASAN oo shirkad cusub ka iibiyey dhulkii DFS!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa iminka lasoo warinayaa inuu faragalin xoogan ku hayo Hantida maguuraanka ah ee Qaranka Somalia.

Madaxweyne Xassan oo muddo kooban uga harsan tahay xilka uu iminka hayo, ayaa u xuubsiibtay iibsashada dhulalka Dowlada, kadib markii uu heshiisyo qarsoodi ah la galay Shirkad koronto oo lagu magacaabo ”Beco”.

Shirkadaani oo ay ku jiraan ganacsato caan ka ah Somalia islamarkaana hoostagta Shirkad Teleefan oo ka howlgasha guud ahaan Somalia, ayaa iibsasho ku heysa dhulalka Dowlada kuwooda ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shirkadaani oo dhowr jeer lagu qabtay arrintaani ayaa waxa ay isku difaacday dukumiintiyo uu saxiixay madaxweyne Xassan Sheekh taasi oo lagu xalaaleysanaayo Hantida Qaranka.

Dhulalka Qaranka uu leeyahay oo ay shirkadaani iibsatay ayaa waxaa kamid ah dhismo aad u weyn oo ku yaalla dhabarka danbe ee guriga Hooyooyinka kaasi oo kamid ahaa Hantida Qaranka balse iminka loo sharciyeeyay Shirkada Beco.

Waxaa jiro dhulal kale oo ku yaalla Degmada Heliwaa gaar ahaan agagaarka Ex koontarool waxaana sidoo kale dhulalkaasi lahaa Dowlada waxa ayna iminka kamid yihiin Hantida ay mustaqbalka dhow sheegan doonto Shirkada Beco.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Shirkada Beco ay sheer ku yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Mas’uuliyiin kale oo isaga ku dhow dhow, kuwaasi oo dhaqaale xoogan ku bixiyay shirkada.

Ma cadda sababta ka danbeysa in mas’uul waliba oo lagu aamino Hanti Qaran uu u iibsado, waxa ayna arrintaani la xiriirta shirkadaani iminka tahay mid si aad ah looga hadal hayo Muqdisho.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com