Gaas oo si cad u diiday qorshaha Xasan iyo CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo u dhuun daloola Siyaasadaha kacsan ee ka dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne C/wali Gaas uu Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid uga cudur daartay arrin la xiriirta hanaanka ay u qabsoomi doonto doorashada Somalia ee 2016-ka.

Ilo wareedka ayaa sheegay in kulan Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh, Cumar C/rashiid iyo Cabdi-wali Gaas looga wada hadlay qaabka ay u dhici doonto doorashada dalka.

Madaxweyne Xassan oo ku hormaray hadalka ayaa sheegay in DFS ay ku qanacsan tahay in doorashada loo qabto hanaanka Beelaha Somalia dhaqanka u ah ee 4.5 waxa uuna Xassan Sheekh sheegay hadii laga gudbo hanaankaasi ay suuragal tahay in Somalia ay dib ugu laabato burbur, sababo la xiriira Somalia oo aan wali gaarin ka gudubka 4.5.

Xassan oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in DFS ee uu madaxda ka yahay ay ku adag tahay inay jaan-rogto nidaam xili hore ay Soomaalidu ku heshiiyeen, waxa uuna taasi bedelkeeda sheegay in Dowladiisu ay ogoshahay in wado kale lagu heshiiyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa dhankiisa ka sheegay in Puntland aysan wax shaqo ah ku lahayn nidaamka 4.5, islamarkaana dadweynaha reer Puntland ay qabaan in Nidaamka deegaanka lagu galo doorashada.

Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay inaysan dhinac uga leexaneynin rabitaanka dadka reer Puntland, waxa uuna carabka ku dhuftay in DF aysan Puntland ku eedeyn doonin muran ka dhasha qodobkaasi.

Gaas waxa uu sidoo kale, madaxweyne Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ka codsaday in kulamada dhacaaya ee looga arrinsanaayo arrimaha doorashooyinka ka dhaafan is rogida, waxa uuna dalbaday in la tixgaliyo natiijooyinka kasoo baxay shirarkii ka qabsoomay Gobolada dalka ee ra’yi uruurinta ahaa.

Dhanka kale, madaxweyne Xassan ayaa isla kulankaasi ku ballanqaaday in waxbadan ay ka bedeli doonaan cudurdaarka C/wali Gaas, waxa uuna sheegay inuu la soo tashan doono madaxda kale oo ay ka go’do talada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com