Laaluushkii 1-aad: Boorsaani oo milkiilaha TV-ga Universal ka iibiyey Ex-baarlamaan + SAWIRRO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Boorsaani ayaa ku wareejiyay Ex- xaruntii baarlamaanka ee degmada Boondheere, Milkiilaha Telefishinka Universal Eng. Axmadeey Abuubakar.

Xarunta Ex Baarlamaan ayaa laga dhigi doonaa xarun loo dalxiis tago sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Boorsaani la siiyey  laba boqol oo kun oo dollar oo laaluush ah, si xaruntan uu u wareejiyo

“Waxay noo tahay farxad anigoo dareenkeyga aanan cabiri karin maxaa yeelay Ex baarlamaan shalay sidee aheyd ayaan ognahay, maanta sida ay dhaanato iyo berri sida aan rajeyneyno inay noqoto meel loo dalxiis tagi doono, cida suura geli laheyd garabkeyga ay taagan tahay, telefishinka Universal iyo kooxdiisa waxaa ka codsaday Ex baarlamaan maadaama meel taariikhi ay tahay daljirka dahsoon dadka u soo dalxiis tagayaan ku dhow tahay, inay noqoto meel loo soo daxiis tago ardayda soomaaliyeed wax ku akhristaan”ayuu yiri Boorsaani.

Milkiilaha Telefishinka Universal Eng, Axmadeey Abuubakar ayaa sheegay dhankiisa inuu ku faraxsan yahay in xaruntan lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ka dhigi doonaan goob loo soo dalxiis tago.

Waxaa horay Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu ganacsato Soomaaliyeed ku wareejiyay jardiinada iyo xarumo dowladeed oo ku yaala magaalada iyo goobo kale, oo uu lacag badan ku qaatay.

Arrintaan ayaa la ogeyn in aysan waxba kaga duwaneyn wareejintii Muungaab uu ku wareejiyay xarumo dowladeed, iyadoo aan lasoo marsiin baarlamaanka.

iib 1iib 2iib 3iib 4iib 5