Sawirro: Gabar Somali ah oo kala carar ku ridday arday caddaan ah iyo macalimad arrin yaab leh..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Atlanta Journal-Constitution ayaa qoray warbixin la xiriirta faquuqa ay macalimiinta dalka Mareykanka ku hayaan ardayda madowga ah, gaar ahaan kuwa Soomaalida ee Muslimka ah.

Wargeyska oo xiganaaya Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdirizak Aadam, ayaa sheegay in gabar uu isaga dhalay ay faquuq u geysatay macalimad wax ka dhigeysay dugsiga Shiloh Middle School oo u dhow magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia ee dalka Maraykanka.

Abdirizak Aadam ayaa wargeyska u sheegay in Macalimadaasi ay Gabadhiisa oo kusii xarooneysay Iskuulka ay ku tiri banaanka Boorsada uga soo saar haddii ay ku jiraan Qaraxyo aad ku wado.

Macallimadda ayaa waxay gabadha Soomaalida oo 12-jir ah dhigatana Fasalka 8-aad si qaldan u weydiisay haddii ay Bam ku wadato Boorsadda lagu qaato Buugaagta, waxa ayna ku amartay inay fasalka banaanka uga baxdo islamarkaana ay Boorsada kasoo saarto Qaraxyo haddii ay kuwado kadibna ay kusoo laabato Fasalkeeda.

Aabaha dhalay Gabadhaasi oo dacwad u gudbiyay maamulka sare ee Iskuulka ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in niyad jab lagu rido Carruurta Africaanka ah ee heysta diinta Islaamka, waxa uuna Wargeyska u sheegay in gabdhiisa ay hadalka Macalimada ka qaaday niyad jab.

Aabaha Soomaaliyeed ee gabadhaasi yar dhalay ayaa sheegay in Gabadhiisa ay ku celcelisay in Boorsada ay ku wadato kaliya Buugaag balse aysan jirin wax Qarax ah oo ay wadato, hayeeshee Macalimadu ay ku qeyla dhaamisay in Gabadha banaanka looga saaro Iskuulka.

Abdirizak Aadam oo ah Aabaha Gabadhaasi dhalay ayaa sheegay in hadalka macalimadaasi uu muujinaayo islaam naceybka, waxa uuna maamulka Iskuulkaasi ka dalbaday inay ka jawaaban argagaxa lagu riday gabadhiisa xili ay soo aaday waxbarashadeeda.

Abdirizak Aden waxa uu Wargeyska u sheegay inuu u tegay Kaaliyaha Maamulaha Dugsiga una sheegay qaladka ay Macallimadda ka gashay gabadhiisa, wuxuuna sheegay inuusan carruurtiisa barin in dadka la naco, mana doonayo inay dadka kale nacayb u muujiyaan ilmahiisa.

Macalimada ayaa ku dooday inay ka shakisay Boorsada ay gabadhaasi wadatay oo si aad ah u buuxday, waxa ayna sheegtay in Carruurta kale ay kala orad galisay iyaga oo ka cabsi qabay in Qaraxyo ay boorsada ku waday gabadhaasi yar ee Soomaaliga ah.

Dhacdadaani ayaa muujineysa in macalimiinta Iskuulada dalka Mareykanka ay Carruurta Muslimka ah ku hayaan il gaar ah, iyaga oo cabsi ka qaba in Iskuulada ay saameyn ku yeeshan dhacdooyinka ka taagan Caalamul islaamka.
111

222

333

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com