Wasiir sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay DF SOOMAALIYA ka socon la’dahay

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka wasaarada arimaha dibada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka dhaqaaqi la dahay shaqsiyaad aan u jilicsaneyn Horumarka Somalia.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federaalka ay la socto shaqsiyaadkaasi dhaqanka ka dhigtay inay hor istaagan guulaha iyo Hormarada ay gaareyso DF.

Waxa uu carabka ku dhuftay in shaqsiyaad doonaya in horumar uusan gaarin dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka gudahiisa iyo dibadiisa, balse ay u adeegsan doonaan qaab ay siyaasad ku dheehan tahay.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay midow sameeyaan si horumar loo gaaro, loogana gudbo caqabadaha haatan ka jira dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in iminka ay jiraan isku duubnaasho aan badneyn oo ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in lasii kordhiyo si nabad iyo horumar uu u sameeyo dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, ma uusan sheegin shaqsiyaadka Cusub ee iminka qasaaya Siyaasada Dalka, balse waxa uu si dadban u garaacay Siyaasiyiinta sameystay Xisbiyada oo ku howlan qalqal galin ay ku sameeyaan Siyaasadaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com