Odayaasha Puntland iyo Glamudug oo qaaday tallaabo ku wajahan XIISADDA

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacya, ayaa sheegay in Odayaasha Deegaankaasi ay ku guda jiraan xal ka gaarista Khilaafaadka Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha labada dhinac ay ku howlan yihiin shirar iyo kullamo ay kaga hortagayaan Dagaal dhexmara labada maamul oo Khasaaro geysta.

Suldaan Cabdikariin Maxamuud Dagal oo ka mid ah wax garadka dadaalka ugu jiro xalinta Khilaafka Labada oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in hada wada hadallo laga dhex bilaabay Galmudug iyo Puntland isla markaana ay marayaan meel wanaagsan.

Wax garadka ayuu xusay in ay hormuud ka yihiin raadinta nabada Gaalkacyo iyo heshiiska labadaasi maamul.

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa bilowgii todobaadkan ku dhawaaqay in uu qaaday xanibaadii saarneyd garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo maalmo aanan shaqeyn sababo la xiriira xurguf soo kala dhex gashay labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com