C/llaahi Sh. Xasan oo maxkamad la soo taagay kadibna lagu celiyey Xabsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Dimuqaraadiyadda C/llaahi Sheekh Xasan ayaa Maanta waxa uu kasoo hor-muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maalin kadib markii Nabad Sugida ay xireen.

C/llaahi Sheekh Xasan, oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saacado Su’aali lagu weydiiyay Maxkamadda, iyadoo markii danbe dib loogu celiyay Xabsiga Godka Jilacow oo Shalay lagu xiray.

Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya, ayaa la sheegay inay Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga ku xireen C/llaahi Sheekh Xasan oo ay DFS ku eedeysay inuu Warbaahinta ka sheegay Warar ka dhan ah Hay’adaha Amaanka iyo Madaxda DFS xiligii uu socday Howlgalkii Hubka dhishista.

Waxaa hadda lagu hayaa Xabsiga Godka Jilacow, oo ah Meel aad u Khatar badan oo Qofkii lagu xiraa uusan heli karin Neef Ogsijiin ah, waana Mugdi aan lakala garanayn Habeenka iy Maalinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com