Maamulka cusub ee G/Dhexe ee dalka loo dhisayo oo kala qeybiyey A/Sunna

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo gobollada dhexe ee dalka, ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusuna Wal-Jameeca ay kasoo horjeesteen Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka Guddiga iyo Ahlusunna uu ka danbeeyay kadib markii ay kala hadleen qaabka Maamulka loo hirgalinaayo .

Sidoo kale wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Khilaafkaasi u dhexeeya Gudiga iyo Ahlusunna uu sababay kala qeybsanaan ka dhex curatay isla Maamulka Ahlusuna kaasi oo isna ka dhashay kaalinta ay dhismaha maamulka ku yeelanayaan Ururka.

Sheekh Cumar Cali Rooble  oo ah Afhayeenka guddiga oo ku sugan degmada Cadaado ayaa warbaahinta u sheegay inay wax ka ogaanayaan khilaafka soo kala dhex galay Gudiga iyo maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe.

Sheekh Cumar Cali Rooble oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu tilmaamay in meel walba oo ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud uu tagi doono guddigan, waxa uuna intaa raaciyay inay diyaar u yihiin ka gudi ahaan inay qanciyaan Ahlusuna, islamarkaana ay dhex dooda u sameyn doonaan kullan ay ku heshiisiinayaan.

Dhanka kale, Sheekh Cumar Cali Rooble waxa uu tilmaamay in ay xal buuxa u raadinayaan khilaafaadka ka dhex taagan qaar ka mid ah beelaha wada dega labada gobol isaga oo shaaciyay in maamulka Ahlusunna ay ku bilaabayaan kulanka maalinta bari ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com