Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow xilka iska casilay Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde , kadib markii uu is fahan dhanka shaqada ah soo kala dhexgalay isaga iyo C/wali Gaas.
Soo-Cadde ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu isku casilay arrimo isaga u gaara, isagoo waraaqdiisa is casilaada u gudbiyay Madaxweynaha Puntland.
Iscasilaada Soo-Cadde ayaa la sheegay in marka koowaad ay salka ku heyso culeys kasoo foodsaaray dhanka C/wali Gaas, waxaana Soo-Cadde lagu eedeeyay inuu yahay shaqsi cunsuriyadeeyay shaqsiyaadkii ay shaqada kala dhexeysay.
Sababta labaad ee ugu weyn ee iscasilaadiisa ayaa ah in la tacaamulida Saxaafada uusan ku wanaagsaneyn isagoo dhowr jeer dhibaatooyin Siyaasadeed usoo jiiday maamulka Puntland hadalo uu saxaafada mariyay darteed.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, ayaa sidoo kale xil ka qaadistaasi ku dhiiraday kadib markii uu ka warhelay in Soo-Cadde uu baadi-goob ugu jiro kamid noqoshada Aqalka Sare ee dalka.
Soo-Cade ayaa waxaa in badan ka Cabanayay Warbaahinta Puntland, asagoo Amaro adag dul dhigay Saxafadda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]