Wasiir xigeenkii awoodiisa maamul laga wareejiyey oo faah-faahin bixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhawaan soo if-baxaysay in Wasiir kuxigeenka qorsheynta Somaliland, Eng Xuseen Buuni laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa, taasi oo lagu wareejiyey Wasiirka maaliyada Somaliland

Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorsheynta oo uu wehlinayo Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta warbaahinta ugu waramay gudaha magaalada Hargeysa, iyaga oo faah-faahin ka bixiyey awooda maamul ee la wareejiyey.

Ugu horeyntii waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Kuxigeenka qorsheynta oo isagu sheegay ineysan jirin awood maamul oo la wareejiyey balse ay tahay talo siin, wuxuuna yiri

“Waxa xaalad caafimaad dalka uga maqan Wasiirkii wasaaradda qorsheynta Somaliland oo hawl-maalmeedkii shaqo ee Wasaaradda qorsheyntuna sidoodii ayuu u socdaa waanan wadnaa, anaga ayaa hogaaminayna ka Wasiir kuxigeen ahaan oo aniga ayaa hogaaminaya iyo waliba agaasimihii guud ee wasaaradda oo hawshiina way socotaa”.

“Wasiir Sacad, wasiirka maaliyadu waxa uu 5-sano soo ahaa wasiirkii wasaaradda qorsheynta xukuumadii madaxwayne Siilaanyo hogaaminayay markaas madaama oo uu waayo aragnimo iyo aqoon badan wasaaradda u leeyahay si waayeelnimo iyo tallo aanu uga baahano ayuu wasiirku nasiinayaa intaas uu wasiirkii wasaaraddu maqan yahay, markaas waxaan idiin sheegayaa in shaqadii wasaaradda inaanu anagu wadayno wasiir sacadna talo mooyaane hawlo kale gacanta kuma qaban doono”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “nina kursiga uma joogo inuu qoyskiisa u shaqeeyo waxa aynu u wadda joognaa dalka in aynu qaranka u shaqayno madaxwaynaha Somaliland waxa uu noo magacaabay inaanu qaranka u adeegno markaas waxaanu nahay adeegayaal ummadeed oo waxaanu u shaqaynaynaa qaranka Somaliland”.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isugana dhinaciisa ka hadlay oo ka dhawaajiyey in awooda uu ku leeyahay Wasaarada qorsheynta ay tahay awood kaabis, wuxuuna yiri

“Waxaanu nahay koox ay wadda-shaqayni ka dhaxayso oo imikaba wada shaqeeya madaxwaynahuna kalsooni wayn ayuu ku qabaa wasiir xuseen oo waa nin dhalinyaro Ah oo imikaba hawl maalmeedka wasaaradda wasiir ku xigeenka ayaa wadda oo halkaasna wuu ka siiwadi doonaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Anigana kaalintaydu waa mid kaabis ah oo madaxwaynahu awood ayuu u leeyahay in xil kaabis ah sidan oo kale ugu magacaabo oo waa arin soo jireena oo wax cusub maaha, markaas waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay magacaabisayadu ahayd mid wax u dhimaysa cid kale xilka mansabka iyo maamuuska waxa iska leh wasiir ku xigeenka ana waxaan ku biirinayaa oo kali ah waa tallo iyo waayo aragnimo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com