“Haddii wasiirada DFS aysan musiibada taagan wax ka qaban BF ayay caqabad kala kulmayan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay kumanaan Qaxooti Soomaali ah ay xiligaani ku sugan yihiin goobaha ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta Yemen, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Mudanayaal ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan “Cali Ganey” iyo Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Korneel Ruush” oo kamid ah Xildhibaanada ugu firfircoon BF ayaa DF Somalia ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Dalka Yemen dib loogu soo celsho DalkoodaSomalia.

Waxa ay sheegen in Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo tan gudaha DF Somalia looga baahan yahay inay qaadan talaabooyin lagu badbaadinaayo Soomaalida halkaasi ku sugan, waxa ayna tilmaamen in hadii ay taasi ka gaabiyaan ay caqabado iyo xisaabtan kala kulmi doonaan dhanka BF Somalia.

Xildhibaan Cali Ganey, ayaa sheegay inaysan afka qabsan doonin ilaa laga soo samata bixiyo Qaxootiga Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in labadaasi Wasaaradood ay iska indha tirayaan xaqiiqda dhabta ah ee halkaasi ka taagan.

Dhanka kale, waxa ay Cadeeyen in BF Somalia uusan u adkeysan doonin in shacabka ay matalaan lagu hayo goobaha uu ka taagan yahay xasuuqa, waxeyna carabka ku adkeeyen in sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan degdeg ah looga gaari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com