XOG: Guddiga dhismaha maamulka Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir oo la shaacinayo (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ugu dhawaaqeyso gudiga farsamada maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan in wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odawaa loo gudbiyay warqado la isku afgartay oo ku saabsan in maamul loo sameeyo seddexda gobol ee aan kor kusoo sheegnay.

Wasiir Odawaa ayaa aqbalay arintaasi, wuxuuna sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan wasaaradiisa ay ugu dhawaaqeyso gudiga farsamada maamul u sameynta goboladaasi.

Xogta Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegay in gudigaasi ay kamid noqon doonaan dad xilal iminka ka haya dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiin horay xilal kala soo qabatay dowladihii KMG ahaa.

Warar hoose ayaa sheegaya in shirkaasi lagu qaban doono magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, islamarkaana la isku fahmay in caasimada laga dhigo gobolka Banaadir, laakiin wax walba ayaa is badali kara.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wali Beesha Xawaadle ay diidan tahay in gobolada Sh/dhexe iyo Banaadir ay ku biirto, iyaga oo muujiyay iney isku filan yihiin.

Beelaha kale ee daga Hiiraan ayaa la sheegayaa iney ku qanacsan yihiin in seddex gobol laga dhigo maamulka la doonayo in loo sameeyo Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com