Baarlamaanka Germany oo u codeeyey in DFS..

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Germany ayaa u codeeyay in DF la garabsiiyo, islamarkaana la kordhiyo howlgalka ciidamada Germany ay ka wadaan dalka Soomaaliya, waxaana baarlamaanka codeeyay oo gaaraya 578 ay u kala codeeyeen 454 ruux oo ogolaatay in la kordhiyo halka 115 ruux ay diideen.

Go’alankaasi ayaa kordhinaya dadaalada ciidamada Germany ay kaga mid noqdeen tababarka midowga Yurub ee Soomaaliya oo tababaro lagu siiyay ciidamo badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Dowlada Germany ayaa ciidamadooda waxay tababar siiyaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, gaar ahaan tababarka ka socda xerada Jazeera ee magaalada Muqdisho oo tababar lagu siiyay boqolaal ka tirsan ciidamada dowlada.

Balaarinta ay sameeyeen baarlamaanka Germany ee ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa ujeedooda waxay tahay in la kordhiyo ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya si tababar fiican loo siiyo ciidamada dowlada.

Dowlada Germany ayaa sheegtay iney ka go’an tahay taageerada ay la garab taagin yihiin dolwada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com