Dhageyso: C/weli Gaas oo laba fariin oo adag u kala diray reer gobollada dhexe iyo Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in marnaba Puntland aanay ka harayn dhulal uu sheegay in maamulkaasi ka maqan yahay oo ay haysato Somaliland, isaga oo sidoo kalena sheegay in maamulka gobollada dhexe aysan qaadan karin dhul Puntland.

Cabdiweli Gaas oo maanta shacab iyo siyaasiin su’aalo ku weydiinayeen magaalada Garoowe ayaa ku dheeraaday ka hadalka gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, isaga oo sheegay in maamulkooda uu maanka ku hayo sidii uu ula wareegi lahaa gobaladaasi.

“Gobalada Sanaag, Sool iyo Cayn waxay udub dhexaad u yihiin jiritaanka Puntland, marar badanna waan ka hadlay dhulka maqan, waa waajib Muqaddas ah in lasoo celiyo dhulalka Puntland ka maqan, inta dhulkaasi maqan yahay Puntland ma noqoneyso mid kaamil ah oo jirta, waqtigeeda ayeey qaadaneysaa, laakiin ballan qaadka anagu aan sameynay waa sidii aan u ballan qaadnay, Dastuurka ayeeyna ku qoran tahay, waajibna waaye in lasoo celiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Cabdiweli Gaas ayaa soo hadal qaaday arinta ku aadan gobalka Mudug iyo sidoo kale maamul u sameynta gobalkaasi iyo Galgaduud, isaga oo sheegay in ay soo dhaweynayaa cid walba oo maamul sameysanaysa, balse aysan gorgortan ka galeyn dhul ka mid ah maamulkooda.

“Fikirka ah dadka sheeganaya qeybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan gobalka Mudug, waad la socotaan mowqifkii adkaa ee Puntland ka qaadatay arintaasi, kadib bishii October 14-keedii waxaan heshii halkaan kula galnay dowladda Federaalka, Cadeynaya in taako dhul ah oo Puntland leedahay ka mid noqon doonin maamulkaasi, anagu cid walba oo maamul sameysanaysa waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Mdaxweyne Gaas.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilligii uu u tartamayay xilka madaxweyne ee maamulkaasi waxa uu sheegay in gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn kusoo celin doono awood, xilli meelo ka mid ah gobaladaasi ay ku sugan yihiin ciidanka Somaliland.

Halkaan Hoose ka dhageyso Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com