Madasha midnimada & dimuqraadiyada oo soo saartay war muhiim ah oo ku aadan doorashada

WAR-MURTIYEED

Doorashada Somaaliya – 2016

Maarso 31, 2015, Muqdisho – Somaaliya waxay gelaysaa xilli la rabo in laga guuro siyaasad beelaysan loona guuro doorasho iyo dimoqaraadiyad salkeeduna yahay dhaqankeyna suuban iyo diinteyna Islaamka. Waxaan shaki laheyn in dadka Somaaliyeed ubislaadeen nabad iyo dib-uheshiisiin siyaasadeed oo ugogol xaareysa mustaqbalkooda ifaya ee dowlad-wanaaga. Waxaa kale oo la hubaa in lasoo gaaray waqtigii awoodda go’aan qaadashada dalkayna ay qasab tahay in loo soo celiyo muwaadiniinta Somaaliyeed oo iyagu xaqa u leh.

Sida ku cad Higsiga 2016, waa in doorasho dadweynuhu ka qaybgalaan dhacdaa, taas oo horseedeysa xasilooni, hurumar iyo midnimada dalka iyo dadka. Doorashadaas waa inaan laga war-wareegin si loo helo kalsoonida, sharciyada iyo xasiloonida lagama maarmaanka u ah dhismaha dawladda qaranka. Muwaadiniinta Somaaliyeed waxey ka mideysanyihiin iney dib hantaan dalkooda, doodaha ka socda meel kastana waxey diirada ku saarayaan sidii doorasho xor ah oo xalaal ah udhici laheed 2016. Haseyeeshee, sida lagu gaari karo doorashadaas saluug, jaha wareer iyo walaac ayey ka muujinayaan.

Si dareenka dadweynaha looga jawaabo Madasha Midnimada iyo Dimoqaraadiyadu waxey la tashi la sameysay khubaro caalami ah iyo kuwa Somaali ah, waxaana gunaanadka wada-tashigaas kasoo baxay in doorasho laga qaban karo dalkeyna 2016 hadii la raaco nidaamka doorashada afka ingriiska lagu yiraahdo Proportional Representation (PR) [1]. PR wuxuu ku dhisanyahay in xisbiyadu ku tartamaan codka dadweynaha dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaga oo soo gudbinaya liiska magacyada murashaxiintooda golaha baarlamaanka. Xisbi kasta wuxuu helayaa xildhibaano udhigma tirada codka uu ka helo marka la isku daro codadka doorashada oo dhan. Doorashada qaabkaan ah kuma xirna in dadka la tiriyo, degmooyinka la qeexo, umana baahna in tirada kuraasta baarlamaanka loo qaybiyo degmooyinka.

Sidaas darteed, Madashu waxey ku qanacsantahy in habka doorashada PR ay ku haboontahay Somaaliya sida dawlado badan oo xaalada Somaaliya oo kale soo maray looga dhaqangeliyay doorasho, waxeyna u ololeyneysaa in doorasho ka dhacdo Somaaliya 2016. Sidoo kale, Madashu waxay ugu baaqeysaa dadka Somaaliyeed iyo dawladaha gacanta siiya inay si buuxda utaageeraan hanaanka dimoqaraadiyeenta dalka Somaaliya oo in ka badan 25 sano jaha-wareer siyaasadeed ku jiray. Ugu danbeyntii, doorashada 2016 ma aha mid laga leex-leexan karo, maxaa yeelay waxey lagama maarmaan u tahay jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaaliyeed. Ilaahey hana waafajiyo towfiiqda iyo tubta toosan.