Xildhibaan ka hor yimi go’aanka DF Soomaaliya ay ka qaadatay weerarada ka dhan ah YEMEN !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowlada federaalka Soomaaliya go’aanka ay kaga mid noqotay duqeymaha ka dhanka ah kooxaa ka horjeeda dowlada Yemen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ahna ku xigeenka gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn go’aanka ay dowlada Soomaaliya ka qaadatay arimaha Yemen.

Wuxuu sheegay in dalka Yemen ay ku sugan yihiin Soomaalida ugu badan uuna yahay wadanka labaad oo Soomaalida ugu badan ay ku sugan yihiin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in go’aankaasi uu haboonaa iney dowlada Soomaaliya qaadato marka  Soomaalida laga soo celiyo dalkaasi, maadaama dad badan ay ku sugan yihiin.

Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in hadda ay Soomaalida la kulmi karaan dhibaatooyin badan, laakiin dowladaha kale ee duqeymaha geysanaya ay dadkooda kala baxeen dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibada muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku dhaceysay qalalaad, isaga oo tusaalo usoo qaatay hadalkii dhawaan dowlada kasoo baxay ee ku wajahnaa dowlada Sweden.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com