SAWIRRO: Dameero lagu dul muujiyay musuqa ka taagan Kenya oo MAGAALADA lagu arkay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa ku waa bariistay dameero qaar kood aad moodo dameer farow oo dhex yaacaya faras magaalaha magaalada Nairobi waa goobta ugu muhiimsan magaalada Nairobi ee loo yaqaano Central business district ”CBD”.

Dameerahan oo iyagu laftigooda jaanis aysan horay u helin helay ayaa iska daaqayay cawska loogu talagalay qurxinta bilicda faras magaalaha magaalada.

Hadaba maxay tahay fariinta ay xambaarsanaayeen dameerahan maxaase ku dul qornaa?

Dameerahani waxaa lagu dul xardhay erayo looga soo horjeedo musuq maasuqa ragaadiyay Hay’adaha dawlada Kenya iyadoo musuq maasuq dartiisa maalin dhawayd 5 wasiir shaqadii looga fariisiyay.

‘‘Kenya waxay la dhiig baxaysaa musuqmaasuq’’ ayaa kamid ahaa fariimihii ku dul qornaa dameeraha.

Dadka reer Kenya ayaa in dhaweydba ku muujinaayey cabashadooda xayawaanada ku nool Dalkaasi.

Kenya ayaa ka mid ah wadamada ugu musuq-maasuqa badan qaarada Afrika, waxa ayna tani horseedi kartaa in isbedel lagu sameeyo Xafiisyada uu ka jiro Musuq maasuqa.
ppp

CBV14fwWgAAtTn9

CBVmd7sUMAA5J-W

dameer1

kkk

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com