Xog: SHARIIFKA oo tagaya afar magaalo oo ku..

Marko (Caasimada Online) – Dhamaadka todobaadkaan ayaa la filayaa wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka koofur galbeed ay tagaan magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wafdiga madaxweynaha ugu horeyn ay tagi doonaan deegaanka No:50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo la qorsheynayo inuu ka furo garoonka diyaaradaha ee deegaankaasi.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa kadib u gudbi doona magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wafdi wasiiro ah oo kaga sii horeeyay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xogta Caasimada Online ogaatay ayaa intaasi ku dareyso in ujeedada safarka ee Marko ay tahay hishiisiintii beelaha Habar Gedir iyo Biyo-maal oo dhawaanahaan uu waday maamulka koofur Galbeed.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in Shariif Xasan Sheikh aadan uu tagi doono degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose oo dilal fool xun marar badan ay ka dhaceen.

Wuxuu ugu dambeyn tagi doonaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu ka furi doono mashaariic lagu horumarinayo xarunta maamulka koofur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com