Wasiiradii Soomaaliyeed ee qadiyaddooda ka tegay iskuna beddelay ajaaniibta

Nairobi (Caasimada Online) – Saddex wasiir iyo la-taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay isu rogay ajaaniib kadib markii loo diiday inay galaan magalaada Nairobi, ayaga oo lasoo baxay baasabooro dalal kale.

Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa noqoday Canadian, Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa isu rogtay Talyaani, halka la-taliyaha amniga madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse uu noqday Dutch ama Hollandees.

Saddexdan xubnood ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin lix xubnood ah oo dowladda Kenya ay xalay u diiday in baasabooradooda Soomaaliga ah u saarto Visaha dalkaas, markii ay tageen Nairobi, hase yeeshee isku rogay ajaaniib ayaga oo lasoo baxay baasaboorada dalalka kale.

Saddex xubnoo ee kale oo kala ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, iyo Zamzam Daahir iyo Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo wata baasbaoor Soomaali ayaa xalay ku baryey garoonka diyaardaaha Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse ayaa galay laba qalad oo ay ka muuqato waddaniyad la’aan iyo naf jecleysi.

1 – Waxay ka tageen qadiyaddooda: Haddii Kenya ay Visaha u diiday baasabooradooda Soomaaliga, waxay ahayd inaysan adeegsan baasbaoor dal kale, oo ay sharfaan kan dalka ay matalaan, kuna adkeystaan inay dalkooda ku laabtaan, haddii Kenya ixtiraami weysay kii waddankooda. Xusuusnow, ma ahayn dad safar shaqsiyeed ku socda, balse waxay ku socdeen safar iyo shaqo dowladeed.

2 – Waxay cidleeyeen saaxibadooda: Waxay meel cidlo ah uga tageen saaxiibadooda iyo walaalahooda Soomaaliyeed ee aan haysan baasaboorada ajnabiga ah, umana muujin wax taageero ah. Waxay ahayd in garoonka kula baryaan, oo ay ku adkeystaan inay wada joogayaan ama wada galayaan gudaha Kenya.

Si kastaba, Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse waxa ay u adkeysan waayeen inay hal habeen baryaan garoonka diyaaradaha  Jomo Kenyatta, taa beddelkeedna waxay hal habeen oo ay seexdaan hotel ka jeclaadeen qadiyadooda iyo saaxiibadooda.

Xubnaha ayaa si kastaba la sheegay inay maanta diideen inay ka qeyb-galaan shirka Nairobi kadib markii si aad ah loo dhaleeceeyey go’aankii ay xalay qaateen ee Soomaalida u arkeen mid aan habooneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com