Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka hadlay khilaafka xiligan ka taagan Nidaamka Federaalka Somalia.
Wasiirku waxa uu sheegay in khilaaf meel xun gaaray uu maraayo nidaamka Federaalka, waxa uuna tilmaamay in horumarka Somalia uu yahay mid ku xiran toosinta nidaamka federaalka.
Wuxuu tilmaamay in nidaamka xoogiisa ay ka sixi doonaan Gobolada dalka oo ahmiyad gaara u leh hirgalinta federaaliisimka, iyadoo la guda gali doono dhamaadka shirka maanta ka furmay Muqdisho kadib.
Wasiir Sabriye, waxa uu carab dhabay in loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed ay ka heshiiso nidaamka federaalka oo ay qaadatay Somalia, waxa uuna sheegay in dhaqan galinta nidaamkaasi uu xal u noqon karo dhibaatooyin jira.
Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka sanadkii tagay uu soo biloowday haatana uu marayo waqtigii la tashiga bulshada.
Waxa uu tilmaamay in hadda ay ka bilaaben Gobolka Banaadir, isagoo rajo weyn ka muujiyay in nidaamka federaalisimka ay ku sixi doonaan kulamada Wasaarada ee soo socda.
Sidoo kale, Sabriye ayaa tilmaamay in qorshaha dowlada ee hadda socda uu yahay in la balaariyo nidaamka federaaliisimka si looga dhaqan galiyo dalka oo idil.
Hadalkaan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxa uu sheegay xilli maanta shir looga hadlaayay arrimaha dib u heshiisiinta uu ka furay Magalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho