Xog: DF Somalia oo xilka ka qaaday 7 taliye boolis iyo is-bedel billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beddeshay hogaanka booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, xilli toddobaadyadii tagey uu aad u xumaaday ammaanka magaalada  caasimada ah ee Muqdisho, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilka laga qaaday illaa toddoba ka mid ah taliyayaasha booliiska ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Degmooyinka taliyayaashooda xilka laga qaaday ayaa kala ah Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-Jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley, sida ay sheegayaan wararka

Magaalada ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey dilal qorsheysan iyo qaraxyo dad badan ay ku dhinteen. Sabtidii waxaa dhacay laba qarax oo mid ka mid ah laga dilay Proff. Yaxye Sheekh Caamir waalaakiis.

Sidoo kale dilalka qorsheysan ayaa si maalinle ah uga dhaca magaalada, ayada oo lagu ugaarsado dadka dowladda la xiriiro, ciidamada dowladda iyo shacabkaba..

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegaya in tallaabada ay dowladda qaaday looga gol leeyahay in xukuumadda ay ku iibsato waqti dheeraad ah, xilli cadaadis xooggan uu kaga imanayo baarlamanka, ayada oo xildhibaanada ay u yeereen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com