Sawirro: Xasan Sheekh oo la kulmay xildhibaanada BF (Muxuu ahaa ujeedka?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Xildhibaanada BFS garabka PDP iyo Dhalinyaro qeyb ka ah Xisbigiisa.

Xasan Sheekh oo kulanka ula gol lahaa is arag iyo xog wareysi ayaa waxaa halkaa khudbado ka jeediyay tirro Xildhibaano ah oo si guud uga hadlaayay xaalada uu ku jiro dalka.

Xildhibaanada oo uu kamid ahaa Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay iska warqab iyo in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa isbedel ka dhacaa dalka.

Waxaa kulanka sidoo kale ka muuqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo isagu lahaa kulminta Xildhibaanada iyo dhalinyarada qeybta ka ah Xisbiga PDP.

Boorsaani ayaa goobta ka sheegay in dib loo soo nooleyn doono iska warqabka waxa uuna aad u bogaadiyay sida uu u qabsoomay kulanka.

Kulamadan iyo kuwo ka horeeyay ayaa qabsoomidooda waxa ay ka danbeysay kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu 30kii Bishii hore ku soo laabtay Muqdisho.

Xasan ayaa markii uu yimid Muqdisho shir uu ku qabtay ka sheegay in uu u yimid in uu ogaado xogta dalka,waxaa kale oo uu xusay in uu marayo dhamaan Gobollada dalka oo uu booqan doono.