Dhageyso Guuleed iyo Xasan oo isku kalsoon: Xildhibaanada mooshinka si fudud ayaa loo kala furdaamin karaa

London (Caasimada Online) – Wasiirka ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay sidda uu arko xildhibaannada madaxweynaha ka codsaday in uu casilo.

Wasiirka oo marti u ahaa barnaamijka Matida Makarafoonka ee ka baxa VOA-da ayaa sheegay in uu arko tallaabada ay sameeyeen xildhibaannada mid iska fudud oo la xallin karo sidda uu yiri.

Wasiirka wuxuu sheegay in wixii u baahan badal in macquul ay tahay in la badalo laakin madaxweynaha oo dhan in la dhaho is casil in ay tahay mid aan sahlanayn.

Wuxuu sheegay in markii arrintaas ay dhaceysay uu isaga soo aaday safarka dalka Ingiriiska balse marka uu ku laabto Muqdisho uu wax badan kala furdaamin doono.

Wasiirka waxaa la weydiiyay in isaga iyo madaxweynaha oo ay hal xisbi ka tirsan yihiin in lagu dheggan yahay oo la lee yahay waad ku fashilantayn qorshihii la idinka rabay oo ay ammaanka ugu horreeyay.

Wasiirka wuxuu sheegay in uuysan aaminsanayn in xisbi ama koox kaliye ay dalkan wax ka qaban karto, fikradaasna ay tahay mid laga haboon yahay sidda uu yiri.

Wasiirka waxaa la weydiiyay oo kale in isaga xittaa uu ku fashilmay dhinaca ammaanka, wuxuu sheegay in wax badan ay ka qabtayn dhinaca ammaanka sidda uu yiri,

Muxuu ka yiri qarixii Villa Somalia lagu qaaday?

Wasiirka waxaa la weydiiyay ilaa hadda wax yaabaha ay ka qaybtayn qarixii ka dhacay Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in waxbadan laga qabtay arrintaas oo dad loo soo xiray isla markaana xog badan lahayo sidda uu yiri.

Wasiirka wuxuu ka hadlay socdaalka uu ku joogo London isagoona muujiyay in dowladda Ingiriiska ay dowladda Soomaaliya ku taageerto dhaqaale, tababbar iyo qalab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com