Bannaabax lagu taageerayo Xasan Sh oo iminka Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka billowday dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo hadal dhawaan ay sheegayn qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka kaasoo ahaa in uu madaxweynaha is-casilo.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo ku sugan Muqdisho, ayaa soo sheegaya in dibad baxa oo ka dhici doono garoonka kubadda cagta Koonis ee degmada Cabdicasiis la filaayo in ay ka soo qaybgalaan kumanaan qof oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobalka Banaadir.

Dibadbaxa lagu tageeraayo madaxweynaha ayaa la sheegay in loo xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Caasimada, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan.

Sidda ka muuqata qaban qaabada dibadbaxa waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Banaadir,waxaana la filayaa in ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu xilka ka dago maadama uu ku guuldarreestay wax yaabihii uu ballan qaaday markii la dooranaayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com