Xildhibaanno cadow ku ah Muqdisho oo u dhow inay ku guuleystaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah soo gabagabeeyyay dood muddo dheer ay ka lahaayeen heshiiska xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Favori.

Xildhibaanno ayaa soo jeediyay in shirkaddan dalka laga ceyriyo, ayaga oo ku dooday in ayada oo aan soo marin baarlamaanka ay ka shaqo billowday dalka.

Ololahan ayaa waxaa wada xildhibaaanno kasoo jeeda Puntland iyo Jubbooyinka, oo ay aad u dhibeyso horumarka shirkadaha Turkiga ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominaayay ayaa sheegay in maanta cod la gallin karin shirkadda Favori maadama kooramka uusan buuxsanayn, wuxuuuna sheegay in la soo gabgabeeyay doodda shirkadda Vavori, isla markaana berri lagu kala bixi doono in ay dalka ku sii shaqeyo iyo in kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in berri cod loo qaadi doono lee shirkadda Favori sidda uu yiri.

Doodda shirkadda Favori ee dalka Turkiga ayaa hortaalay baarlamaanka muddo toddobo bil, ilaa haddana wax xal ah lagama gaarin.

Shirkadan waxaa heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid, waxaana laga doonayaa in ay dib u dhis iyo naqshad cusub saarto garoonka diyaaradda Muqdisho muddo kooban, hase yeeshee taasi waxaa dhibaato u arka xildhibaanno cadow ku ah Muqdisho.

Arrinta yaabka leh ayaa ah, shirkaddan oo Muqdisho iyo dalkaba horumar u horseedday halkii looga mahadnaqi lahaa, haddana weli dood iyo dacwad laga qabo horumarkaas.

Qorshaha xildhibaanadan ayaa ah in dhammaan shirkadaha Turkiga laga saaro Muqdisho, hase yeeshee xildhibaanno badan ayaan ku baraarugesaneyn sirta cadowga Muqdisho wadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com